5 ruux oo isku qoys ah ayaa ku geeriyooday Dab ka kacay Guri ku yaalla Magaalada Hargaysa xarunta Maamulka Somaliland, dadka dhintay ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen Hooyo, Saddex Carruur ay dhashay & habaryarteed.
Guriga ay kuwada noolaayeen Dadkaas waxaa la sheegay in ay keliya kasoo hartay Ayeeyada reerka dhibaatadu gaartay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku sugan Magaalada Hargaysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.
Kooxda dab damiska ee Dowladda Hoose ee Magaalada Hargaysa ayaa gurmad ay samaysay ku guulaysatay in ay damiso Dabka, waxaa lagu wadaa inay halkaas tagaan mas’uuliyiinta Maamulka Magaaladaas oo faahfaahin ka bixin doonna dabkaas.
Dabaylo xooggan ayaa ka jira qaybo kamid ah Soomaaliya iyada oo digniin laga soosaaray waxyaabaha dhallin kara dabka sida Korontada, Gaaska wax lagu karsado iyo Dabka maadaama dabayluhu ay sii horinayaan haddii uu dadku kaco.

