Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay heshiiska Urur Goboleedka IGAD oo xubin ay ka tahay, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS, Cali Balcad ayaa codsigaas hordhigay Xildhibaannada.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa sheegay in isaga oo raacaya xeer hoosaadka uu golahaas ku shaqeeyo qaab gacan-taag ah loogu codeynayo, waxaa fadhiga xaadirtay 144 Xildhibaan, waxaa aqbalay heshiiskaas 141 Mudane, waxaa diiday 2 halka 1 Xildhibaan uu ka aamusay.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, XFS, Cali Cumar (Cali Balcad) ayaa sheegay in Soomaaliya ay dalka 5aad ee heshiiskaan ansixiyo, waxa uu intaas ku daray in marweliba oo caqabado siyaasadeed dalka uu soo wajaho uu garab ka doonto Urur Goboleedka IGAD.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed