Xukuumadda Ruto oo soo bandhigeysa miisaaniyad ay la socoto canshuur kordhin

Wasiirka maaliyadda Kenya ayaa lagu wadaa in uu Khamiista soo bandhigo miisaaniyaddii ugu ballaarneyd abid, oo uu la socdo sharci muran badan dhaliyey oo ay ku jiraan canshuur kordhino cusub.

Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ayaa diyaarisay miisaaniyad afar tiriliyan oo shilin ah, oo u dhiganta ($31.1 bilyan) sanadka 2024/25, taasi oo ka badan 3.75 trillion oo shilin oo bishii June ee sanadkii tegay loo ansixiyey sanad miisaaniyadeedkan.

Baarlamaanka ayaa horey u ansixiyay qorshaha qarashka ee la soo jeediyay, laakiin sharciga maaliyadda ee gaarka ah ee loogu talogalay buuxinta khasnadaha dowladda ay lacag la’aanta hayso, ayaa keeni kara kalfadhi aan caadi aheyn.

Hindise-sharciyeedka – oo ay dowladdu ku dooday inuu yahay tallaabo lagama maarmaan ah oo lagu dhimayo ku-tiirsanaanta daynta — ayaa dhalleeceyn xooggan kala kulmay siyaasiyiinta, Kenyan-ka shaqeeya iyo kooxaha ganacsiga.

Waxa uu soo jeedinayaa tiro cashuur kordhin ah oo la filayo in lagu soo rogo adeegyada maaliyadeed, wax soo-saarka iyo qaybaha ganacsiga.

Qodobada ugu muranka badan waxaa ka mid ah; billaabista canshuurta gaadiidka oo laga dhigayo 2.5% qiimaha baabuurka, iyo dib u billaabida canshuurta rootiga.

Dadka kasoo horjeeda ayaa ka digay in tillaabooyinka cusub ay culeyska ku sii kordhin doonaan dadka markii horeba la halgamayay sidii ay nolol maalmeedkooda u dabooli lahaayeen xilli qiimaha nolosha uu aad sare ugu kacay.

Kor u qaadis canshuur oo sidoo kale la sameeyey sanadkii hore ayaa horseeday mudaaharaadyo dhowr ah oo ay ku baaqeen mucaaradka kuwaas oo mararka qaar isu bedelay isku dhacyo lagu dhintay oo waddooyinka ku dhex maray booliiska iyo dibad-baxayaasha.

Kenya waa mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan Bariga Afrika laakiin saddex meelood meel, 51.5 ka milyan ee qof ee dalka ku nool ayaa ku nool saboolnimo.

Sicir-bararka ayaa ahaa mid aad u sarreeya, oo ah heerkiisu ahaa 5.1 boqolkiiba bishii May, halka sicir-bararka cuntada iyo shidaalka uu gaaray 6.2 boqolkiiba iyo 7.8 boqolkiiba siday u kala horreeyaan, sida ku cad xogta Bankiga Dhexe.

Dawladdu waxay saadaalisay cel-celiska kobaca dhaqaalaha uu gaari doono 5.2 boqolkiiba inta u dhaxaysa 2024 iyo 2026.

Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray todobaadkii hore ku sheegay in kobaca wax-soo-saarka dhabta ah ee Kenya uu sannadkii hore sare u kacay 5.6 boqolkiiba, halka uu ka ahaa 4.9 boqolkiiba 2022.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed