Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ku baaqday in loo gurmado Dadka ku dhibaataysan Gaza,

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo xubin ka ah aqalka Congress-ka Dalka Maraykanka ayaa ku baaqday in loo gurmado Muslimiinta ku dhibaataysan Dalalka Soomaaliya, Falastiin, Suudaan, Myanmar iyo Kuwo kale oo Caalamka.

Ilhaan ayaa sheegtay in ay garab taagan tahay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Soomaaliya waxaana ay tilmaamtay in arrintaan ay tahay mid loo baahan yahay si amniga Dalka loo xoojiyana loo sameeyay howlgalladaas.

 

Waxa ay si cad u sheegtay in ay had iyo jeer diidan tahay in lacagaha canshuurta ah ee Muslimiinta lagu qaado lagu dhibaato Muslimiin kale sidaas awgeed ay weli ku taagan tahay mowqifkeeda waa sida ay hadalka u dhigtay.

 

“Qof weliba qof ayuu dhaamaa, maanta haddii aan nabad ku afurnay waxaa jira Dad aan nabad haysan, waa in aan garab istaagnaa walaalaheen Gaza ee dagaalka ku nool, Suudaan, Itoobiya, Jamhuuriyadda Congo, walaalaheen Shiinaha ee aanay awoodin in ay diintooda sheegtaan iyo Rohingya ama Myanmar ku nool ee dhibaatadu haysato, Walaalahayn Soomaaliya ee dhibaatadu u gaysanayso AS” Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Ilhaan ayaa sheegtay in had iyo jeer ay ka hadasho helitaanka caddaaladda iyo joojinta dhibaatooyinka ay la kulmayaan Dadka ay metasho maadaama ay ku doodday in ay joogto ama ku nooshay Dal xor ay u tahay in ay soo bandhigto fikraddeeda.

“Sanadkaan tartanka aan ku jiro ma ahan mid aan ka welwelsanahay sababtoo ah waa tartankii 1aad ee xaq iyo khalad lagu kala jiro, waxa aan ka shaqaynayaa in caddaalad la helo, canshuurteenna aanay lagu Dilin Dad masaakiin ah waxaa ila tartamaya Dad dhahayo Dadka dadka dilayo ayaa xaq leh, Dadka dadka dilayo ayaan u baahanahay in aan hub siino, Dadka dadka cunnada u diidayo ayaan u baahanahay in aan lacag siinno” Ilhaan Cumar.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa dhanka kale sheegtay in aanay marnaba ka welwelsaneen doorashada sanadkaan ay galayso balse taa baddelkeeda waxa ay ku faantay in ay nafteeda ku kalsoon tahay isla markaana aaminsan tahay in ay kasoo bixi karto doorashadaas.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed