Xaaladii ugu danbeeyay ee Marinka Gaza

Falastiiniyiinta hadba dhinac ugu barakacayo Marinka Gaza ayaa isugu tagay dhinaca xeebta, xilli ay ciidamada Isra’ul sii wadaan dagaalka iyo duqeymaha Gaza gaar ahaan qeybaha koofurta iyo bartamaha oo ay Talaadadi shalay kula dagaallameen dagaalyahannada Xamaas.

Israel ayaa Talaadadi sheegtay in ay ciidankeedu ay soo badbaadiyeen mid ka mid ah laheystayaasha, kaas oo ay Xamaas koofurta Isra’il kasoo afduubtay 7-badi bishi October. Qaid Farhan Alkadi, ayay Isra’il sheegtay in lagu soo badbaadiyay howlgal ka dhacay koofurta Gaza.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa iyaguna sheegay in ugu yaraan 22 ruux oo Falastiiniyiin ah lagu dilay weeraro ay millatariga Isra’il ka geysteen qeybo badan oo ka mid ah Gaza.

Magaalada Qahirana waxaa wali kasii socda wadahadallada ay gar-wadeenka ka yihiin dhex-dhexaadiyaasha ka socda Mareykanka, Masar iyo Qatar, kuwaas oo afarti bil ee lasoo dhaafay riixayay xabbad-joojin ka dhaqan gasha Gaza iyo sii deynta la heystayaasha Isra’iiliyiinta ee Gaza.

Dhanka kale, ilo wareedyo xagga amniga ah ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay, in ciidamada Isra’il ay xalay duqeyn cirka ah ku bartilmaameedsadeen waqooyiga dalka Lubnan.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta lala beegsaday baabuur mararay meel u dhaw deegaanka Chaat ee xadka Lubnaan ay la wadaagto Suuriya. Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed