Xaalad bani’aadannimo oo daran oo ka jirta Afghanstan

Ururada gargaarka ee Afgaanistaan ka jira ayaa ka digaya, in haddii aan la helin taageero caalami ah iyo ka qaybqaadasho joogto ah, uu Afghanstan halis ugu jiro inuu noqdo “dhibaato la illoobay.”

“Haddii aan la helin dadaallo degdeg ah oo lagu kordhinayo ka-qeybgalka diblomaasiyadeed iyo maalgelin joogto ah oo waqti dheer ah, Afgaanistaan, gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha, waxay ku reebi doonaa silic sannadaha soo socda,” ayaa lagu yiri bayaan wadajir ah oo ay sii daayeen Talaadadii 10 hay’adood oo gargaar caalami ah oo ka shaqeeya waddankaasi.

Neil Turner, oo ah agaasimaha Golaha Qaxootiga Norway ee Afgaanistaan, ayaa fariin muuqaal ah oo uu u soo diray VOA ku sheegay, in ka qayb qaadashada caalamiga ah ay lama huraan u tahay xalinta mustaqbalka fog ee dhibaatooyinka Afgaanistaan.

Neil Turner wuxuu sheegay oo kale in inkasta oo hay’adaha gargaarka ay ka qayb-qaadanayeen gargaarka bani’aadamnimada saddexdii sano ee la soo dhaafay, markii beesha caalamku si buuxda uga tagtay Afgaanistaan”, dadaallada hadda jira ma xallin karaan dhibaatooyinka saboolnimada, shaqo la’aanta iyo barakaca.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed