Afhayeen u hadlay Eric Trump oo ah Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Maraykanka ayaa beeniyay warar laga faafiyay sawir guud oo laga soo qaaday kulan casho ah uuna ka qaybgalay Madaxweynaha maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cirro.
Kim Benza ayaa waxba kama jiraan ka dhigtay in ay kulmeen Eric Trump iyo Cabdiraxmaan Cirro intii lagu jiray kulanka Cashada Dadka Yuhuudda ah ay sameystaan ee ka dhacay Magaalada Davos ee Dalka Switzerland.
“Ma jiro kulan dhexmaray Eric Trump & Cabdiraxmaan Cirro, mana aysan kawada hadlin Siyaasad iyo dhaqaale toona, kulanka waxa uu ahaa mid casho ah, Cirro ayaa is dhinac taagay Eric kuna salaamay khudbaddiisa” Sidaasi waxaa tiri Kim Benza oo ah Afhayeenka u hadashay Eric Trump
Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay in Haweeneydaan Afhayeenka ah ay xaqiijisay in kulanka Cashada ah uu joogay Wiilka Trump si lamid ah Madaxweynaha Israa’iil maadaama ay qayb ka ahaayeen martida joogtay Davos.
Mar ay Wakaaladda Warararka Reuters wax ka weydiisay Madaxweynaha Maamulka Gobollada Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Cirro sida uu kulankaas ahaa waxa uu kusoo koobay hadalkiisa “Shirka wuu wanaagsan yahay, aad buu u wanaagsan yahay”.
Maamulka Cabdiraxmaan Cirro ayaa marin habaabin ka sameeyay kulanka Cashada ahaa iyada oo ugu danbayn haatan uu bannaanka usoo baxayo xogaha kulankaas oo si ka duwan sidii ay u dhigteen Dadkii abaabulay uu u faafiyay Maamulkaas.

