”Waxaan doonaynaa in aan ka gudubno nidaamka 4.5” MW Xasan

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada qof iyo codka ah ee goleyaasha deegaanka, taasi oo dhawaan ka qabsoomi doonta degmooyinka gobolka Banaadir.

Khudbad uu Madaxweynaha ka jeediyay Magaalada Muqdisho ayuu ka sheegay in ay is diiwaan galiyeen ku dhawaad hal milyan oo ruux, isagoo dadkaasi ugu baaqay in ay kaararkooda soo doontaan.

“Dalkeena wuxuu doonaya inuu ka gudbo nidaamka 4.5, sidaasi darteed waa in qofkasta ku dadaala siduu u dhiiban lahaa codkiisa doorashada qof iyo codka ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri “Shalaayda waa xaaraan, haddii aadan hore isku diiwaan galin, mar kale ayaa la furayaa si doorasho qof iyo cod ah aad uga qeyb gasho”

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli 25 bisha Decembar la  qorsheeyay in ay qabsoonto doorashada qof iyo codka ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed