Wafdi isugu jiray Wasiirro katirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud iyo Taliyaha Xerada Turksom Sareeye Gaas Sebahattin Kalkan ayaa maanta tagay Deegaanka Sabiib Caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.
Wafdiga Xukuumadda waxaa ku jiray Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi.
Ujeedka safarkooda waxaa lagu sheegay in adeegyada Dowladda si hoose loo daadajinayo isla markaana mashaariic kala duwan laga hirgelinayo maadaama si buuxda gacanta loogu dhegay deegaanka Sabiid Caanoole ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Qorshaha ugu horreeya waxaa loogu magac daray Xasilinta Amniga oo loogu talagalay dadka deegaanka sida hadalka loo dhigay, waxaana sare loo qaaday ammaanka deegaankaan iyo deegaanno kale oo hoostaga.

