Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga oo gaaray Itoobiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Turkiga Hakan Fidan ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa si uu Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed & Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Taye Atske Selassie ugala hadlo xal u helista xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya.

Tallaabadaan ayaa ah mid lagu horumarinayo sare u qaadista qorshaha Dowladda Turkiga ay dhowaan billowday in ay ku dhexdhexaadiso Dalalkaan deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay shaacisay heshiis dhaawac ku ah midnimada Soomaaliya.

Hakan Fidan oo horay ula kulmay Labada Wasiir Arrimo-Dibadeed ee Soomaaliya & Itoobiya ayaa wadahadal dadban dhexmariyay inkasta oo aanay jirin natiijo rasmi ah oo laga gaaray balse waxa uu kulankaas hordhac u ahaa wadaxaajoodka uu haatan ku howlan yahay.

Qaar kamid ah Warbaahinta ayaa qoraallo ay ka qoreen safarka Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, dhaqangalka heshiiska difaaca badda ee Ankara, wadahadalkii horay u socday iyo arrimo kale oo dusha ka saaran ayaa durba indhaha uwada jeedisay dhanka Addis Ababa.

Sababtu waa in ay ka war dhowreyso waxa kasoo bixi kara kulamada maanta ay yeelanayaan Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, dhiggiisa Itoobiya iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo qudhiisa heshiiskaan la galay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Turkiga waxa uu cilaaqaad wanaagsan la wadaagaa Xukuumadaha Muqdisho iyo Addis, waa tan keentay in loo arko in uu yahay Dalka keliya ee hoos u dejin kara Siyaasadda sii xumaaneysa ee Dowladahaan deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed