Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha dibada Israa’iil Gideon Sa’ar oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.
Madaxtooyada Somaliland ayaa hadda waxaa ka socda shir ay leeyihiin wafdiga Israa’iil iyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, kulankaas oo lagu wado in saacadaha soo socda laga soo saaro war-saxaafadeed.
Ammaanka magaalada Hargeysa ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyada oo wafdiga Israa’iil noqonayo kii ugu weynaa oo magaaladaas yimaada tan iyo burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa 26-kii Diseembar 2025 ku dhawaaqay in uu dowlad madax bannaan u aqoonsatay maamulka Somaliland, tallaabadaas oo ay si adag u cambaaraysay dowladda Soomaaliya.

