Isbaddel degdeg ah ayaa lagu sameeyay kursiga Xildhibaan HOP-204 oo deegaan doorashadiisa tahay magaalada Baydhabo, iyadoo loo doortay Wasiirka Dekadaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur.
Doorashadaan oo aheyd mid dadban ayaa saacado kooban ku qabsoontay magaalada Baydhabo, iyadoo uu diidan yahay Xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigaasi ee Isaaq Cali Subag.
Wasiir Jaamac oo ku guulleystay Kursiga ayaa helay 96 codadka ergada ka qeyb galay doorashada, iyadoo uu tanaasulay marixii kale Cabdirisaaq Cabdullaahi Nuur.
Taariikho kala duwan ayuu soo maray Kursiga HOP-204, waxaana 2022 laga hor istaagey Wasiirka Dekadaha XFS, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo doonayay inuu u tartamo, isagoo ku eedeyay Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen.
Wixii ka horreeyay 2022 kursigaan waxaa ku fadhiyay Macalin Cali Aadan, iyadoo isla sannadkaasi loo doortay Isaaq Cali Subag oo markaasi ahaa Wasiirka Amniga ee dowlad gobolleedka Koofur Galbeed.
Doorashadaan kursiga HOP-204 ayaa la tilmaamay in ay qeyb ka tahay isbaddelka maamul ee ku yimid dowlad goboleedka Koofur Galbeed oo la filayo in dhawaan ay ka qabsoonto doorashada Hoggaanka sare.

