Wasiir Fiqi ” 18 kun oo Askari baan gaarsiin doonoa ciidankeena ”

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallim Fiqi ayaa sheegay in dalka uu horumar ka gaaray qorshaha kahortagga ‘Askaraynta Carruurta’ si loo ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin.

Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saartay in Askarta laga ilaaliyo inay carruurta ku biiraan si aanay u dhumin fursadaha Waxbarasho ay heli lahaayeen sida uu hadalka u dhigay.

Fiqi ayaa ‘AS’ ku eedeeyay in ay adeegsato Carruurta isla markaana ka qaybgeliso dagaallada, waxa uu codsaday in si wadajir ah looga wadahortago qorshaha askaraynta Carruurta oo dhibaato weyn ku hoos duugan tahay sida uu yiri.

“Waxa aan ballanqaadnay in aanay Ciidamadeenna kamid noqon Askari aan ka yaran 18 sano, sababta sidaas loo samaynayo waa in Carruurtu ay waxbarato oo aan lagu darin askarta, Kooxaha hubaysan ayaa 66% waxa ay gaysanayaan tacadiyada ka dhanka ah Carruurta” Ayuu yiri, Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi.

Soomaaliya waxaa marar kala duwan laga diiwaangeliyay tacadiyo ka dhan ah Carruurta, Dowladda Federaalka ayaa ballanqaadday in ay la soconayso wax weliba oo ka dhan ah Carruurta sida in la askareeyo iyo dhibaatooyinka kale ay la kulmaan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed