Ciidamada Uganda oo ah Askarta ugu badan ee qeybta ka ah Howlgalka AUSSOM ayaa 19 sano ka dib isaga baxaya Soomaaliya.
Qoraal kooban oo uu bartiisa X ku baahiyay Taliyaha Militeriga Uganda, Muhoozi Kainerugaba ayaa tilmaamay inuu soo dhammaaday Howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, isla markaasna dhawaan uu billaaban doono qorshaha bixitaanka.
“19 sano oo aan Soomaaliya joognay ka dib, waxaan doonaynaa inaan dalkaas si buuxda uga baxno dhowaan.” ayuu yiri Jeneraal Muhoozi Kainerugaba
Hadalka Taliyaha ayaa ku soo aadaya xilli dhaqaale xumo wajahayo howlgalka AUSSOM ee qeybta ka ah dagaalka ka dhanka AS.
Tirada ciidamada Uganda ee hadda ku sugan Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 5,000 ilaa 6,000 oo askari.
Ciidamadan ayaa qeyb ka sugida amniga xarruumaha muhiimka ah ee Dowladda sida Garoonka Aadan Cadde, Dekadda iyo goobo kale.

