Ka dib hanjabaaddii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsaned tallaabo milatari oo laga qaadi karo Iiraan, xilli ay dalkaasi ka socdaan mudaharaadyo, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Hakan Fidan waxaa uu yiri:
“Waxaan dooneynaa in dhibaatooyinka lagu xalliyo wadahadal. Waxaan rajeynayaa in Iiraan iyo Mareykanku ay arrintan dhexdooda ku xallin doonaan. Waxaan ka soo horjeednaa faragelin milatari oo lagu sameeyo Iiraan.”
Isaga oo la hadlayay wakiillo ka socday warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah maanta Fidan wuxuu yiri:”Waxa ka dhacaya Iiraan annagana way na khuseeyaan. Anagoo ah Türkiga, dadaalladeenna diblomaasiyadeed way sii socon doontaa.”
Fidan wuxuu carrabka ku adkeeyay in “ay dan u tahay Türkiga in Iiraan ay xalliso dhibaatooyinkeeda isla markaana ay ka fogaato xaalado ku fidi kara guud ahaan gobolka.”Afhayeenka AKP, Ömer Çelik, ayaa isna 12-kii Janaayo sheegay:
“Nooc kasta oo faragelin dibadeed ah wuxuu yeelan doonaa cawaaqib aad u taban oo ku wajahan gobolkeenna.”
Çelik wuxuu sheegay in “ay muuqdaan dhibaatooyin ka jira dhanka nolosha bulshada iyo tan dowladeed ee Iiraan,” wuxuuna intaa ku daray in arrimahaasi lagu xalliyo “duruufaha iyo hab-dhaqanka gudaha ee Iiraan lafteeda.”

