Trump oo shaaciyay qorshihiisa Soogalootiga Maraykanka

Donald Trump ayaa ka hadlay soo galootiga sharci darrada ah iyo isku dayga dil ee isaga ka dhanka ah mar uu wada hadal shucuur ka muuqatay uu kula yeeshay Barta X Elon Musk.

Mr Trump ayaa mar kale sheegay in uu qaadi doono masaafurkii ugu ballaarnaa ee taariikhda Mareykanka haddii uu madaxweyne noqdo bisha November.

Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa u sheegay Musk in markii uu madaxweynaha ahaa uu dhisay boqolaal mayl oo darbi ah si uu u ilaaliyo xudduudda koonfureed.

Trump ayaa u muuqday inuu u weecday arrinta socdaalka, mid ka mid ah arrimihiisii ​​ololaha ee ugu muhiimsanaa ee ka caawiyay in uu ku guuleysto doorashadii 2016-kii.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga ayaa ku andacoonaya isaga oo aan soo bandhigin cadaymo muujinaya in soogalootiga ay ku imaanayaan “si waali ah” ayna ka kala imaanayaan dhammaan caalamka dafihiisa.

“Waxaa jira malaayiin qof oo imanaya bil gudaheed, waxay iska dhigaysaa sidii inay wax samaynayso,” ayuu yiri, isaga oo ka hadlaya Kamala Harris. Waxa uu ku andacoonayaa in ay jiraan 20 milyan oo muhaajiriin sharci-darro ah oo ku sugan Mareykanka.

Waxaa uu Trump sheegay in dadka si sharci darada ah ku soo galaya Mareykanka ay qarakood yihiin dad dambiilayal ah sida uu hadalka ud higay.

Tani waa koror weyn oo guud ahaan afartii sano ee Donald Trump, sidoo kale waa tiradii ugu sareysay ee laga diiwaan geliyo maamul kasta oo Mareykan ah.

Tan iyo markii Biden uu soo saaray xeerar horraantii bishii June ee xaddidayay xuquuqda dadka ka soo gudbaya xuduudda si ay magangelyo u codsadaan, tirada dadka lagu soo qabtay iyaga oo si sharci darro ah uga soo gudbaya xadka koonfureed aad ayay hoos ugu dhacday.

Ciidamada Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka ayaa ku dhawaad ​​57,000 oo soo galooti ah ka qabtay xadka bishii july – taasi oo ahaa tiradii ugu hooseeyay ee la diiwaan geliyo tan iyo Sebtembar 2020.

Tirada ayaa aad hoos ugu dhacday bishii December, markaasoo ku dhawaad ​​250,000 oo muhaajiriin ah lagu qabtay iyaga oo ka gudbaya xadka.

Trump ayaa hadalka ka sheegay Wareysiga oo laga sii daayay barta X, waxaana marti galiyay milkiilaha X Elon Musk.

Wareysiga ayaa 40 daqiiqo dib u dhac ku yimi ka dib markii kumanaan ah dadka isticmaala ay sheegeen inay u suurgali waysay inay soo galaan.

Musk wuxuu arrimaha ku eedeeyay weerar “weyn” oo dhanka internetka ah oo lagu soo qaaday barta X.

Maalqabeenka ugu taajirsan adduunka ayaa taageeray Trump inuu noqdo madaxweyne wuxuuna ka qeyb qaatay dadaallo dhaqaale loogu uruurinayey xisbiga Jamhuuriga.

Waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Kamala Harris, oo Trump kula loolamaysa Aqalka Cad, ay mowjad xamaasad leh ka waday warbaahinta Mareykanka.

Tan iyo markii Joe Biden uu ka degay xilka musharraxa Dimuqraadiga, Harris waxay qabatay isu soo baxyo waaweyn oo xiriir ah oo waxaana barbar taagnaa Tim Walz oo ay us oo xulatay xigeen in uu u noqdo.

Iyadoo wax ka yar saddex bilood ay ka harsan tahay doorashada 5 November, labada musharax ayaa waxay isku dayayaan inay qeexaan ololahooda doorashada.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed