Trump oo faahfaahin ka bixiyay qabashadii Maduro

Trump ayaa u sheegay Fox News in uu daawaday qabashadii markii gacanta lagu dhigayay Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro iyo xaaskiisa, isagoo yiri waxaan u daawanayay “si dhab ah sidii inaan daawanayo barnaamij telefishan.”

Wuxuu ammaanay ciidanka soo qabtay isagoo sheegay inay qabteen “shaqo cajiib ah,” wuxuuna ku daray in “aysan jirin waddan kale oo dunida ka jira oo samayn kara hawlgal noocaas ah.”

Madaxweyne Nicolás Maduro ee Venezuela iyo xaaskiisa ayaa ku sii jeeda New York kadib markii ay qabteen Maraykanka, sida uu Donald Trump ugu sheegay Fox News.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa intaas ku daray in labadaba lagu soo oogay dacwad New York, isla markaana ay u safri doonaan gobolka iyagoo adeegsanaya helikobtar iyo markab.

“Waxay dileen dad badan, oo ay ku jiraan dad badan oo Maraykan ah, xitaa dad ku nool dalkooda,” ayuu yiri Trump.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed