Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Trump oo canshuur ugu hanjabay Midowga Yurub

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcaha maanta ah ugu hanjabay Midowga Yurub canshuuro, haddii ururka uusan dhimin farqiga โ€œweynโ€ ee ganacsi ee kala dhaxeeya Washington oo aanu ka iibsan saliid iyo gaas.

โ€œWaxaan u sheegay Midowga Yurub in ay waajib ku tahay in ay kabaan nuskhaanka baaxadda leh ee ganacsiga kala dhaxeeya Mareykanka, ayaga oo si ballaaran u iibsanaya saliiddeena iyo gaaskeena,โ€ ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social, saacadihii hore ee Jimcaha.

โ€œHaddii kale, waa canshuur,โ€ ayuu yiri.

Sida ku cad tirooyinka Mareykanka, badeecadaha laga keeno Midowga Yurub waxay ahaayeen $553.3 bilyan 2022-kii, halka badeecadaha loo dhoofiyo Midowga Yurub ay ahaayeen $350.8 bilyan.

Tani waxay ka dhigeysaa farqiga ganacsiga badeecadaha ee Mareykanka iyo Midowga Yurub $ 202.5 bilyan sanadkaas.

Trump, oo xafiiska la wareegaya bisha Janaayo, ayaa ku hanjabay canshuur dharbaaxo ah oo uu ku soo rogayo saaxiibada ganacsi ee Mareykanka โ€“ oo ay ku jiraan Canada, Mexico iyo Shiinaha โ€“ taas oo gilgili karta dhaqaalaha adduunka.

Isaga oo ku eedeeyay Canada iyo Mexico in ay ogolaadeen in Maraykanka lagu soo daadiyo daroogooyinka sharci darrada ah iyo muhaajiriinta aan sharciyeysnayn, waxa uu ku dhawaaqay 25 boqolkiiba canshuur ah oo la saaro badeecadaha ay usoo dhoofiyaan Mareykanka, halka uu sidoo kale wacad ku maray ugu yaraan 10 boqolkiiba oo ka dhan ah Shiinaha.

Canada, Mexico iyo Shiinaha ayaa ah saddex ka mid ah saaxiibada ganacsi ee ugu weyn e Mareykanka.

Horaantii bishaan, Midowga Yurub wuxuu soo gabagabeeyey heshiis ganacsi oo ballaaran oo uu lala galay afar waddan oo ku yaalla Koonfurta Ameerika โ€“ Argentina, Brazil, Paraguay iyo Uruguay โ€“ kaas oo ujeedkiisu yahay in la abuuro aag ganacsi oo xor ah oo dhan 700 milyan.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed