Tobanaan kun oo shaqaale ku shaqeeya barnaamijyada (Apps)ka Hindiya oo shaqo joojin sameeyay

Tobanaan kun oo shaqaale ku shaqeeya alaab gaarsiinta ah barnaamijyada la soo dejisto ee (apps)ka ee Hindiya ayaa wada shaqo-joojin soconaysa hal maalin, iyaga oo dalbanaya mushahar iyo xaalado shaqo oo ka wanaagsan tan ay hadda ku shaqeeyaan. Waxay guryaha u gaarsiiyaan badeecooyin iyo raashin iyaga oo u shaqeeya shirkado waaweyn sida Amazon, Uber iyo Zomato.

Shaqaaluhu waxay sheegeen in ay wakhtiyo aad u dheer ku qaataan waddooyinka magaalooyinka waaweyn ee Hindiya sida Delhi iyo Mumbai, isla markaana ay mudan yihiin in la siiyo mushahar bille ah iyo caymis.

Shaqo-joojintan waxaa loo qorsheeyay inay ku beeganto mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan sanadka ee darawallada alaab gaynta ka shaqeeya ee habeenka Sannadka Cusub.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed