Taliye Odowaa oo dalbaday in Gurmad la gaarsiiyo dhulka laga qabsaday AS

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo xarunta Hay’addaan kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage waxa ay kawada hadleen sidii gargaar bani aadamnimo loo gaarsiin lahaa deegaannada ‘AS’ laga qabsaday.

Maxamuud Macallin ayaa sheegay in Hay’adda SODMA ay ka go’an tahay sidii gurmad bani aadamnimo loo gaarsiin lahaa Dadka degen deegaannadii ugu dambeeyay ee Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ay ka qabsadeen ‘AS’ balse taliska Ciidanka Xoogga ay ka rabaan gacansii.

Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhankiisa ballanqaaday in uu Hay’adda SODMA ka gacansiinayo sidii gargaarka ay hayso loo gaarsiin lahaa deegaannada ay ku sugan yihiin ciidamada Militariga ee xaaladaha dhanka bani aadamnimada ah looga baahan yahay.

Mas’uuliyiin katirsan Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ayaa lagu wadaa in ay kormeeraan deegaanno kala duwan oo katirsan Gobollada Dalka si marka ay usoo sahmiyaan kaddib loo diyaariyo gargaarka loo qorsheeyay, taliska ciidanka Xoogga ayaa ku gacansiinaya ciidamo ilaaliya gargaarkaas.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed