Taliyaha Hay’adda iyo Nabad Sugida Qaranka NISA ee gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan ayaa maanta magaalada Beledxaawo kulan gaar ah kula yeeshay Bulshada rayidka iyo odoyaasha dhaqanka ee magaaladaasi.
Kulamadan ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Amniga iyo Nabadgalyada deegaannada gobolka Gedo oo toddobaadyadii la soo dhaafay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen Ciidanka Dowladda iyo Kuwa Jubbaland.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Cabdirashiid Janan Bulshada Rayidka ah kala hadlay qorshaha la doonayo in maamul cusub loogu sameeyo deegaannada Jubbaland.
Qoraal kooban oo uu baahiyay Taliye Cabdirashiid Janan ayaa sheegay in bulshada degmada Beledxaawo isku afgarteen la shaqeynta maamulka iyo ilaalinta Nabadgalyada guud.
Tan iyo markii ay natiijo la’aan ku soo dhammaadeen wada hadalladii Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Axmed Madoobe waxaa socday dhaqdhaaqyo lagu doonayo in lagu dhiso Maamul cusub oo Jubbaland ah.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in maalmaha soo socda wafdi sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka gaaraan magaalada Garbahaarey ee xarruunta gobolka Gedo, kuwaasi oo qiimeyn doona Xaaladda gobolkaasi.
Qorshaha Maamul u sameynta Jubbaland ayaa waxaa la hadal hayay saacadihii la soo dhaafay, markii uu Madaxweyne Xasan Shiikh dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

