Warsaxaafadeed wadajir ah oo kasoo baxay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Dalalka Sacuudi Carabiya, Urdun, Isutagga Imaaraatka Carabta, Qatar, Indoneisa, Pakistan, Masar & Turkiga ayaa looga hor yimid tallaab dhul-ballaarsi ah oo Israa’iil ay ka samaysay Daanta Galbeed.
Warka ayaa intaas lagu daray in dhulkaas ay boobayso Israa’iil ay u martay hannaan sharci darro ah maadaama dhulkaan oo ay xoog ku haysatay ay ugu magac dartay “Dhul Dowladeed ama Dan guud noqonaya” sida ay hadalka u dhigtay Israa’iil.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalkaan ku dhow 10ka Dal ayaa sheegay in ay is hor istaagayaan tallaabo weliba oo dhinaca sharciga ah oo keenaysa in Israa’iil ay boobto dhulka ay haatan sida sharci darrada ah ay u haysato sida bayaanka lagu xusay.
“Waxa aan cambaarayneynaa go’aanka ay soosaartay Israa’iil ee ku saabsan in dhul ku yaalla Daanta Galbeed ee la haysto loo aqoonsado waxa loogu yeero Dhul Dowladeed oo la boobayo, waa in arrinta dhulkaas dib loogu celiyo heshiiskii 1967” Ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Wasiirrada Arrimaha Dibadda dhowrka dal ah.
Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa xoogga saaraysa sidii ay u boobi lahayd Dhulka Falastiin iyada oo maalmo kahor Baraha Bulshada lasoo geliyay muuqaallo Dad carab ah oo inta ay cagaf geliyeen kaddib ku wareejiyay dad kale oo Yuhuud ah.

