Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga kulan gaar ah kula yeeshay dhigiisa dalka Falastiin, Fersan Shahin.
Labada dhinac ayaa muujiyay walaacooda la xiriira aqoonsiga Israa’iil ay siisay Somaliland, kaasi oo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay ayaa ka warbixiyay sida dowladda Soomaaliya u xoojisay dadaalladeeda diblumaasiyadda iyo difaaca midnimada dalka.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda Falastiin ayaa sharci darro ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland, isagoo ballan qaaday in ay ka taageerayaan difaaca midnimada dalka iyo madaxbannaanidiisa.
Soomaaliya iyo Falastiin ayaa si wadajir ah uga qeyb galaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga.
Wafdiga Soomaaliya ee uu hoggaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo gaar gaar ah la yeeshay dalalka Sacuudiga, Kuwait, Masar iyo wadamo kale.

