Soomaali ku dhimatay dooni la qalibantay

Doon yar oo ay saarnaayeen 125 qof ayaa jabisay rikoorka qaxootiga ugu badan ee taariikha ahaan hal mar kasoo gudbo Kanaalka Ingiriiska.

Waxay ahayd markii ugu horreysay bishii Ogosto ee sannadkan oo ay soo gaaraan UK doon siday 106 qof.

Tirokoobka Wasaaradda Arrimaha Guduhu waxa uu muujinayaa in wadar ahaan 895 muhaajiriin ah ay kusoo gudbeen 12 doomood Sabtidii, Sebtembar 28, taas oo wadarta guud ka dhigaysa 33,000 tan iyo bilowgii.

Safarkan rikoorka jabiyay ayaa yimid kadib markii meydka qof muhaajir ah laga helay xeebta u dhow Boulogne-sur-Mer ee waqooyiga Faransiiska subaxnimadii Sabtida, sida ay sheegtay AFP.

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warantay inuu ahaa nin dhalinyaro ah, balse lama xaqiijin da’diisa iyo dalka uu u dhashay.

Baaritaan ayaa lagu samayn doonaa haddii uu jiro xiriir ka dhexeeya dhimashadii dhowayd iyo isku daygii kasoo gudbida meel u dhow Equihen-Plage.

Goobta uu shilku ka dhacay, ayaa waxaa laga helay haweeney 49 jir ah oo la il-daran harraad (hypothermia), waxaana loo qaaday isbitaalka.

Intaa waxaa dheer, laba haween ah oo Soomaali ah ayaa dhintay Sabtidii (September 28) ka dib markii ay dooni la qalibantay.

Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay ilaa hadda iyagoo isku dayaya inay ka gudbaan marinka u dhexeeya Faransiiska iyo UK.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed