Madaxda sare ee maamul goboleedka Puntland ayaa xalay heshiis rasmi ah ka gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada maamulkaasi, kadib kulan ay isugu yimaadeen Madaxweyne Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash iyo Gudddoomiyaha Baarlamanka Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl.
Saddexda masโuul ayaa si wadajir ah u qaabilay guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xildhibaanada oo uu dhowaan magacaabay Saciid Deni, waxayna isku raaciyeen in sidiisa loo daayo, si loo guda galo xulista xildhibaanada cusub iyo arrimaha kale ee doorashada.
Sidoo kale waxay ku heshiiyeen in baarlamaanka imanaaya ee 6-aad uu ku yimaado habraacii uu ku yimid Baarlamaankii 5-aad, oo mudo xileedkiisa ku eg yahay 31 December.
Haddaba sidee looga falceliyay heshiiska ay doorashada ka gaareen madaxda Puntland?
Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa ka falceliyay xalka laga gaaray doorashada, ayaga oo soo dhoweeyay heshiiska madaxda Puntland.
Cabdiraxmaan Cabdirashiid Gurxan oo kamid ah dadka ka hadlay heshiiskan ayaa soo dhoweeyay wuxuuna yiri โWaa arrin la wada sugayay saan camal inay dhacdoโ.
Jibriil Cabdullaahi ayaa falcelintiisa ku yiri โAwalba waxiina filim annaga noo jileysaan ayey ahaayeenโ.
Cabdulqaadir Cali ayaa isuguna yiri โMasha Allah dalku doorasha xasiloon buu u jihaystay. Xadaarad!โ.
Seynab Maxamed Cali oo kamid ah gabdhaha ka falceliyay xalka la gaaray ayaa tiri โBiyo meel godan bay isugu yimaadaanโ.
Maxamed Cabdi ayaa ku jawaabay โHeshiis waa wax wanaagsan, waana ku mahadsan tihiin in khilaafkii halkaas kusoo dhamaaday, deegaankuna doorasho laysla ogol yahay u jihaystayโ.
Garaad Xirsi ayaa dhankiisa yiri โAbwaanka markii hool kii laga soo qufushay miyuu wadahadal door-biday?โ
Xaawo Deggan ayaa iyaduna tiri โMaasha allah guul iyo gobonimo Alle hanoo daayo madaxdeennaโ.