Shiinaha oo sheegay inuu Soomaaliya ka taageerayo dhinaca Amniga

Wasiirka Wasaaradda  Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cali Dhaay ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabilsan Geeska Afrika, Hu Changchun.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Wasiir Cabdisalaam ayaa diblumaasiyiinta Shiinaha ee uu hoggaaminayo Hu Changchun u sheegay in Soomaaliya markasta diyaar u tahay xoojinta saaxiibtimo ee Shiinaha ee ku dhisan is ixtiraam iyo dhowrida Madaxbannaanida dal kasta.

Dhankiisa, Wakiilka Shiinaha ayaa mar kale caddeeyay taageeradiisa madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sidoo kale la xusay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo muhiimadda juqraafiyeed ee Soomaaliya oo ah marin istaraatiiji oo muhiim u ah ganacsiga iyo isku xirka caalamiga ah.

Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed ee dhow, wuxuuna dal kasta ilaaliyaa madaxbannaanida iyo midnimada.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed