Sheikh Hasina oo maanta xukun Maxkamad lagu ridayo

Haweeneyda Dalka Bangladesh Ra’iisul Wasaaraha ka ahayd ee lagu magacaabo Sheikh Hasina ayaa maanta lagu ridayaa xukun maxkamadeed sida ay xaqiijiyeen ilo ku dhow maxkamadaynta haweeneydaan jirta 78 sano.

Xafiiska xeer ilaalinta ee dacwadaha culus kusoo oogay Haweeneydaan Ra’iisul Wasaaraha Bangladesh ka ahayd intii u dhaxeysay 6dii Janaayo 2009 ilaa 5tii Agoosto 2024 ayaa dalbaday in xukunno adag lagu rido haweeneydaan.

Xeer ilaalinta ayaa ku doodday in dambiyo culus ay galeen Ra’iisul Wasaare hore ee Sheikh Hasina iyo Xukuumadii ay hoggaanka u haysay, sidaas awgeed loo baahan yahay in xukunka ku dhacaya uu noqdo mid ka tarjumaya dambiyadaas lagu eedeeyay.

Waxaa sare loo qaaday amniga xarunta Maxkamadda Sare Dalka Bangladesh si looga hortago rabshadaha ay samayn karaan dadka taageera Haweeneydaan ee suuragalka noqon kara in ay ka dhiidhiyaan xukunka Maxkamadeed ee lagu ridi doonno sida hadalka loo dhigay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed