Shacaba Qaza oo bilaabay dib ugu noqoshada Guryahoodii laga barakiciyay

Kumanaan ruux oo Shacab ah ayaa billaabay in ay dib ugu laabtaan Guryahooda oo ku yaalla Waqooyiga Magaalada Gaza kaddib markii ciidanka Israa’iil ee halkaas go’doomiyay ay dib uga baxeen qaybo kamid ah Dhulkaas sida ay sheegeen suxufiyiin ku sugan.

Ciidanka Israa’iil ee Magaalada Gaza ku duullay ayaa la geeyay xariiqa loo asteeyay in ay tagaan inkasta oo weli ay ku harsan yihiin Xaafadaha qaar oo iyanna lagu wado in saacadaha soo socda in ay isaga huleelaan sida heshiiska ku xusan.

Dadka dib ugu laabanayo Waqooyiga Magaalada Gaza ayaa ku go’doonsanaa Koofurta Magaaladaas, waa dadkii diiday in ay u tallaabaan dhinaca Dalka Masar oo qorshuhu ahaa in laga masaafuriyo ama lagu hayo dalkaas.

Ma haystaan guryo ay degeen balse waxa keliya ay ku faraxsan yihiin waa in ay colaadda ka joogsatay kaddib markii ciidankii kusoo duullay ay ku baxeen wadahadalkii ka dhacay Magaalada Sharma Al-Sheekh ee Masar.

Waxaa haatan socda dedaallo lagu doonayo in lagu saldhigo dib u dhiska Magaalada Gaza, dalal dhowr ah ayaa doonaya in ay sameeyaan abaabulka kulamo lagu raadinayo ka qaybgalayaasha shirarkaas ee kasoo jeeda Waddamada Dhaqaalaha haysta.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed