Saraakiil ka tirsan Turkiga oo tagey Baydhabo iyo MW Laftagareen oo la kulmay

Saraakiil sare oo ka socda Talista Kulliyada Turksom oo uu hoggaaminayo Sarreeye Gaas Sebahattin ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda Kumeel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Saraakiisha ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxda sare ee Maamulka oo uu ugu horreeyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Amniga, Tababarrada iyo tayeynta Ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed.

Kulanka sido kale waxaa diiradda lagu saaray doorka Turkiga ee taageerada dib-u-dhiska Ciidanka Qaranka kor u qaadista xirfadaha Ciidanka iyo wada-shaqeyn dhow oo lagu xaqiijinayo Amniga iyo xasilloonida guud ee Dalka.

Madaxweyne Laftagareen ayaa tilmaamay in Dowladda Turkiga garab istaagga joogtada ah u muujisay Soomaaliya, isagoo xusay in ay ka shaqeynayaan sidii loo kordhin lahaa wadashaqeynta.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed