War kooban oo kasoo baxay Booliiska Xaramka sida gaarka ah u ilaaliya amniga Dadka halkaas taga iyo masโuuliyiinta ku sugan ayaa lagu sheegay in la baarayo Haweeney u gacan qaadday Askari katirsan Ilaaladaas iyo falcelin uu sameeyay.
Booliiska ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay arrinta dhacday balse baaris kaddib sharciga la isla aadi doonno si aanay markale u dhicin Askari gudanaya waajibkiisa loo gaan qaado sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay Laamaha ammaanka Xaramka.
โWaaxda dabagalka dambiyada waxa ay baaris ku hayaan Haweeneyda u gacan qaadday Askari katirsan ilaalada Masjidka Nabiga NNKH oo gudanaya waajibkiisa, waa muhiim in sharciga loo daadejiyo falkaasโ ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliiska Xaramka.
Muuqaal kooban oo Baraha Bulshada soo galay waxaa ka muuqday 2 Dumar oo u socday dhinaca meel xiran oo ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, muran kooban kaddib Haweeneyda ayaa u gacan qaadday kaddib askariga dhowr jeer ayuu u dharbaaxay.
Ciidamo kale & Saraakiil kale oo isku shaqo ahaayeen Ninka gacan qaadka sameeyay ayaa kusoo baxay iyaga oo ugu dambeyn labo dhinac u kala bixiyay Askariga iyo Haweeneyda waxaana xigay baaritaanno looga gungaarayo sida wax u dhaceen.