Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan ay yeesheen kaga dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta warbixin ku saabsan diyaar-garowga doorashada golaha deegaanka ee bishan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.
Wasaaraddu waxay faahfaahin ka bixisay heerka diyaarinta doorashada, xaqiijinta amniga goobaha codbixinta, iyo tirada muwaadiniinta is-diiwaangeliyay ee qaatay kaararkooda si ay uga qeyb qaataan codbixinta.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in hay’adaha amniga ay diyaariyeen qorshe sugan oo lagu ilaalinayo goobaha codbixinta, lana xaqiijinayo in doorashadu u dhacdo si nabad ah, hufan, isla markaana ay si buuxda uga qeyb qaataan shacabka ku nool caasimadda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa wasiirrada ku ammaanay doorkooda ku aaddan wacyigelinta iyo la falgalka bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyay in is-dhexgalka dowladda iyo shacabka uu yahay tiir muhiim u ah hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaallada ay wasiirradu ugu jireen ka qeyb noqoshada ololaha doorashada, taas oo uu sheegay inay kor u qaadeyso kalsoonida shacabka iyo ka-qeybgalka dimuqraadiyadeed.

