RW Xamse oo amar cusub duldhigay Garoonka diyaaradaha Muqdisho

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa dalab hor dhigay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dhawaan booqasho ku tagay Garoonka Aadan Cadde, ka gadaal markii cabasho ay soo gudbiyeen Shacabka.

Wasiir Maxamed ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ka codsaday in lagu wareejiyo mas’uuliyadda guud ee Garoonka Aadan Cadde, isaga oo yiri, “Ra’iisul Wasaare waxaan codsanayaa si dowlad nimada u noqota cid mas’uuliyad u qaadata, maamulka garoonka diyaaradaha ayay mas’uuliyaddooda ahayd in Hay’aduhu la shaqeeyaan, amarka sida aad inoo siisay waa in aad u siisid, aysan noqon wax la’isku halleeyo.”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo ka jawaabaya codsiga uu hor dhigay Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux ayaa faray dhammaan Saraakiisha in ay ka amar qaataan isagana uu mas’uul ka yahay siyaasadda Garoonka.

“Way joogaan Saraakiisha, Wasiirka ayaa ugu sarreeya, Mareeyaha iyo Hay’adda Duulista Siyaasadda garoonka iyaga ayaa mas’uul ka ah, Wasiirka ayaa ugu odaysan, waxaan rabaa in Hay’adaha sidaas ugula shaqeeyaan,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre

Amarkaan la dul dhigay Hay’adaha amaanka ee ka shaqeeya Garoonka Aadan Cadde ayaa ku soo beegmaya iyada oo cabasho laga keenay habka loo maamulo garoonka, ka gadaal markii ay cabasho ka keeneen shacabka magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa laba todobaad ka hor booqday Garoonka Aadan Cadde, isaga oo kormeer ku sameeyay qaabka uu u shaqeeyo garoonka, waxa uu faray dhammaan madaxda Garoonka in ay wax ka qabtaan cabashada shacabka, taas oo banaanka keentay fadeexad iyo dayacaad ka muuqda dhismaha garoonka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed