Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa soo jeediyay in xoogga la saaro ka faa’iideysiga beeraha maadaama ay jirto cabsi laga muujinayo dhibaatooyinka ku horgudban helista cunnada.
Xamsa oo dhagax-dhigay Machadka Beeraha Qaranka ayaa Ganacsatada usoo jeediyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha muhiimka ah ee horyaalla isla markaana ay maalgashadaan Beeraha Dalka oo dad kale oo ajaanib ah doonayaan in ay maalgashi ku sameystaan.
“Waddamo badan oo wax dhoofin jiray ayaa iyaga oo welwel ka qaba in cunno la’aan dhacdo u joojiyay cunnadii ay dhoofin jireen, innagu Dhulkeennu waa mid alle mahadiis u suubsan mid waxsoosaar, waxa aynu nahay Dal isku filan laakiin waxa aan u baanahay in aan xoogga saarno, Dowladda Soomaaliya waa ay ka go’an tahay arrintaas” Sidaasi waxaa yiri, RW XFS, Xamsa Cabdi Barre.
Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayuu usoo jeediyay in ay xoogga saarto wacyigelinta Bulshada si loogu hago soosaarka beeraha si dhaqaalaha Dalka uu u kordho sidoo kalena dalku yeesho cunno ku filan oo uu ku tashan karo.

