Ra’iisul wasaare Xamse oo la kulmay Safiirka Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa manta kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Sacuudi Carabiya ee u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Muxamad Saalax Al-muwalad.

Kulankan ayaa looga hadlay dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo diiradda lagu saarey adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ee ku qotoma dhinacyada amniga, dhaqaalaha, maalgashiga iyo arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Sacuudiga garab istaagga ay mar walba la garab joogto shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo tilmaamay in ay sare u qaadayaan maalgashiga Sacuudiga ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Dhankiisa, Safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa caddeeyay in dalkiisa ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya, isla markaana Sacuudi Carabiya ay diyaar u tahay kordhinta taageerada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka fuliso dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeelanayay Safiirada dalalka Caalamka ee ku sugan gudaha dalka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed