Qaar ka mid ah Qoyska Hogaamiyihii Xamaas oo duqeyn lagu dilay

Hay’adda difaaca madaniga ah ee Gaza ayaa sheegtay in weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay aroornimadii talaadada ay ku dileen 10 xubnood oo ka tirsan qoyska hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah.

Weerarka ayaa lala beegsaday guriga qoyska Haniyeh ee xerada qaxootiga Al-Shati, ee waqooyiga Marinka Gaza, ayuu yiri Mahmud Basal, afhayeenka difaaca madaniga ah ee Gaza.

Waxa uu sheegay in tiro meydad ah ay u badan tahay in ay wali ku hoos jiraan burburka laakiin aysan haysan qalabkii loo baahnaa si loo soo saaro.

Haniyeh, oo ah hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas ee fadhigiisu yahay Qatar, ayaa saddex wiil iyo afar uu awoowe u ahaa ku waayay weerar ay Israa’iil ka geysatay badhtamaha Gaza bishii Abriil maalintii ciidul fitriga.

Haniyeh waxa uu wakhtigaas sheegay in ilaa 60 xubnood oo qoyskiisa ah la dilay tan iyo markii uu bilowday duulaanka Israa’iil ee Gaza bishii Oktoober 2023.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed