Ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugtoor ayaa maanta ku dhawaaqay guddiga gurmadka abaaraha Puntland.
Guddiga oo ka kooban 15 xubnood ayaa loo xil saartay wax ka qabashada waxyeellada abaarta, isku dubaridka deeqaha iyo gaarsiinta gargaar bini’aadanimo ee dadka ay abaartu saameysay.
Guddigan oo guddoomiye u yahay madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa kaa ah;
1. Madaxweyne Ku-xigeen Ilyaas Cismaan Lugatoor (Guddoomiye)
2. Wasiir Ubax Cabdirashiid Maxamed (Guddoomiye ku-xigeen)
3. Wasiir Cabdi Faarax Siciid – Juxa (Xubin)
4. Wasiir Liibaan Muuse Cismaan (Xubin)
5. Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Xubin)
6. Wasiir Daa’uud Maxamed Cumar (Xubin)
7. Wasiir Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur (Xubin)
8. Wasiir Axmed Siciid Qaloonbi (Xubin)
9. Maxamed Daahir Maxamed (Gaani) –
Bulshada Rayidka (Xoghayaha Guddiga)
10. Sheekh Fu’aad Maxamuud Xaaji Nuur – Culimada (Xubin)
11. Cabdiraxmaan Cabdirisaaq Cabdiraxmaan – Bulshada Rayidka (Xubin)
12. Maxamed Caydiid Jaamac – Rugta Ganacsiga (Xubin)
13. Ganasade Jaamac Salaad Maxamuud dhega-dheere (Xubin)
14. Ganacsade Warsame Cabdi Shido (Xubin)
15. Ganacsade Cali Ibraahin Cumar (Xubin).
Deegaannada Puntland ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan, taas oo ay ka dhalatay xaaladda bini’aadanimo oo daran.

