Puntland ” Ciidamo DFS mushahar ka qaata baa jooga Puntland ”

La-taliyaha arrimaha amniga ee madaxweynaha, Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa shaaciyay tirada ciidamada ay mushaarka siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Puntland.

Qarjab ayaa sheegay in 1,376 askari oo ku sugan deegaannadeeda Puntland ka mushaar qaataan Dowladda Federaalka, kuwaas oo loogu talagay in lagu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka Puntland, sida uu yiri.

Wuxuu xusay in qayb ka mid ah ciidamadaas ay ka qaybqaataan sugidda amniga iyo la dagaalanka argagixisada, halka kuwana uu ku eedeeyay in ay caqabad ku yihiin nidaamka dowladnimada Puntland.

Magaalooyinka Garowe, Boosaaso, Xaafuun iyo Gaalkacyo waxaa saldhigyo ku leh ciidamo hore uga tirsanaan jiray Puntland oo haatan ku biiray Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin PSF oo uu hoggaamiyo Gen. Maxamuud Diyaano iyo Danab oo xukumo Gen. Jimcaale Jaamaac Takar.

Labada ciidan (PSF iyo Danab) iyo dowladda uu hooggaamiyo madaxweyne Deni waxaa hore u dhexmaray dagaallo sababay dhimasho, dhaawac, burbur iyo qax oo ka dhacay Garowe iyo Boosaaso, kuwaas oo salka ku hayay arrimo siyaasadeed.

Saraakiisha hoggaamisa ciidamadan ayaa dhawaan magaalada Laascaanood kula kulmay madaxdaweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed