Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Pakistan, Senatar Maxamed Ishaq Dar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladda Pakistan garab-istaagga joogtada ah ay u muujiyeen Soomaaliya, gaar ahaan mowqifka cad ee ay ka qaadatay midnimada dalka.
Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaam ayaa ka codsaday Pakistan in ay gacan ka geysato kor u qaadista walaaca Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC).
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Pakistan ayaa dhankiisa ballan-qaaday in dalkiisu si buuxda u taageeri doono Soomaaliya, isla markaana uu mowqifkeeda ka difaaci doono Qaramada Midoobay iyo dhammaan goleyaasha kale ee caalamiga ah.
Wada-hadalkan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku xoojinayso taageerada caalamiga ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.

