Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa maanta shaacisay inay gacanta ku dhigtay shabakad Al shabaab ah oo ka koobnayd illaa 11 dagaalame, kuwaas oo ku lug lahaa qorsheyaal argagixiso, basaasnimo iyo dhirbaaxo nabadgelyo oo ay ka wadeen magaalada Muqdisho iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.
Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa shaaca looga qaaday in xubnahan Al-shabaabka ah ay ku howlanaayeen falal argagixiso oo ay doonayeen inay ku dhuumaaleystaan deegaanka, iyaga oo isku dayay inay isku dhex qariyaan shacabka.
Sirdoonka Qaranka oo helay xog-ururin dhameystiran ayaa suurtageliyay in howlgal qorshaysan lagu qabto dhammaan xubnaha, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay qayb ka ahaayeen falal amni-darro oo ay qorsheenayeen inay ka sameeyaan Muqdisho iyo labada Shabeelle sida lagu yiri warka kasoo baxay NISA.
War-saxaafadeedka ayaa xusay in dhammaan eedeysanayaasha lagu wareejin doono hay’adaha ku shaqada leh si loogu qaado tallaabo sharciyeed ku habboon, iyadoo NISA ay shacabka ugu baaqday inay sii wadaan la shaqeynta hay’adaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta kooxda Al-shabaab.
NISA ma aysan soo bandhigin magacyada shabakadaasi 11 qof ka kooban iyo sawiradoodi, waxaana maalmihii lasoo dhaafay ay waday howlgallo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab.

