Israa’iil ayaa si adag u diidday dhaleecayn uga timid madaxda caalamka kadib markii golaha wasiirrada amniga ay ansixiyeen qorshe ay ku doonayaan inay kula wareegaan magaalada Qasa.
Wasiirka difaaca Israel Katz ayaa yiri waddamada cambaareeyay Israa’iil kuna hanjabay cunaqabatayn “ma wiiqi doono go’aankeenna”.
“Cadawgayagu waxa ay noo arki doonaan sidii hal gacan oo adag oo midaysan oo ku weerari doona cudud weyn,” ayuu intaa raaciyay.
Go’aanka Israa’iil ay ku ballaarisay dagaalka ay ka waddo Qasa ayaa waxaa dhaleeceeyay Qaramada Midoobay iyo waddamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin UK, Faransiiska iyo Canada, waxaana ay keentay in Jarmalku joojiyo inuu hub u diro Israa’iil.
Qorshahan oo ay ansixiyeen golaha ammaanka ee Israa’iil, ayaa waxa lagu qoray shan “mabaadi’da” oo lagu soo afjarayo dagaalka: Hub ka dhigista Xamaas, soo celinta dhammaan dadka la haysto, in Marinka Qasa laga dhigo goob dagaalka ka caaggan, la wareegidda ammaanka dhulka, iyo in la sameeyo “maamul rayid oo kale oo aan Xamaas iyo maamulka Falastiin midna ahayn”.
Warar ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil ayaa sheegaya in qorshuhu uu markii hore diiradda saarayay sidii si buuxda gacanta loogu dhigi lahaa magaalada Qasa, isla markaana loo rari lahaa dadka deggan magaalada Qasa oo lagu qiyaasay hal milyan oo qof. Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegi doona xerooyinka qaxootiga ee ku yaalla bartamaha Qasa iyo meelaha la aaminsan yahay in la geystayaasha Israa’iil lagu hayo.

