MW Muuse Biixi ” Hishiiskii Itoobiya aan la galnay waa fulayaa ”

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si adag u sheegay in heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, uu fuli doono, isla markaana anay Soomaaliya hor istaagi karin.

Madaxweynuhu waxa uu dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay caddaysatay in ay aaminsantahay in Somaliland anay wax jira ahayn, isla markaana ay tahay gobol kamid ah Soomaaliya.

“Qoladii Soomaaliya waxay soo caddaysatay in ay tidhaa wax Somaliland la yidhaa ma jiro, waa gobolo annaga ah oo waxna ma goosan karaan mana talin karaan, waa markii ugu horaysay ee uu soo boxo wajiga runta ah ee Soomaaliya” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu sheegay in uu si gaar ah ugu xadgudbay Somaliland, waxa uuna ku eedeeyay Madaxweyne Xasan in uu kali ah rabo in uu heshiiska saxeexo.

“Naftii hafar ha noqoniin, wax anaad yeeli karaynin marwalba ha sheegin, waxaad leedahay Somaliland badeeda anaa xukuma, hadii aad xukunto miyaad timaadid, go’aankan iyo is-fahamkani wuu fulaya” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa isaguna dhankiisa sheegay in anay ogolayn in isfahamka loo badalo heshiis rasmi ah, isaga oo sheegay in Itoobiya ay rabto in ay qaadato dhul Soomaaliyeed.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed