Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa caawa kulan gaar u ah Gobolka Mudug la qaatay masuuliyiinta Dowladda ee Gobolka Mudug iyadoo ay Shirka ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Gobolka Mudug, ee dhinacyada Amniga, la dagaalanka maandooriyaha iyo dib-u-heshiisiinta Beelaha Gobolka si xal waara loogu helo dilalka beelaysan ee Gobolka kusoo noqnoqday iyo sidii loo dardargelin lahaa horumarinta Gobolka Mudug.


