Golaha wasiirrada Puntland ayaa maanta oo khamiis ah yeeshay shirkoodii todobaad laha, kaas oo shir guddoomiyay madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Shirka golaha ayaa looga hadlay amniga guud, wax-ka-bedelka xeerka guddiga doorashooyinka, dardargelinta dimuqraadiyadda, hagaajinta iyo horumarinta hannaanka garsoorka, sida lagu sheegay bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
“Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland lyaas Cismaan Lugatoor, ayaa shir-guddoomiyey shirka golaha wasiirada oo todobaadkan looga hadlay amniga guud, wax-ka-bedelka xeerka guddiga doorashooyinka Puntland, dardargelinta dimuqraadiyadda Puntland, hagaajinta iyo horumarinta Hannaanka garsoorka iyo warbixin goluhu ka dhegaystay wafdi heer wasiir ah oo booqasho ku tegay wadamada Sweden iyo Itoobiya” ayaa lagu yiri bayaanka.

