MW Deni oo xarigga ka jaray taliska ciidan oo casri ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si rasmi ah u furay dhismayaasha cusub ee Taliska Guud iyo Xarumaha Ciidanka Booliska Puntland, kaas oo laga hirgeliyey caasimadda Garoowe, si kor loogu qaado tayada ammaanka, maamulka iyo adeegga ciidanka.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane Maxamed Baarri Shire, xubno ka tirsan saddexda gole ee Dawladda, saraakiil sare oo ciidan, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.

Taliska Ciidanka Booliska Puntland ayaa munaasabadda ka soo bandhigay heerarkii uu soo maray tan iyo aas-aaskiisa ilaa maanta, iyada oo si faahfaahsan loo muujiyey horumarka laga sameeyey dhanka dhismaha hay’adaha, tayeynta ciidanka, iyo guulaha amni ee laga gaaray sugidda nabadda iyo kala dambeynta.

Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey dadaalka hoggaanka iyo saraakiisha Ciidanka Booliska, isagoo xusay in dhismayaashan cusub ay yihiin tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo dowladnimada, amniga iyo kalsoonida shacabka. Waxa uu adkeeyey in dowladdu ka go’an tahay taageeridda iyo horumarinta hay’adaha amniga.

Ugu dambayn, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in dhammaan gobollada Puntland laga hirgeliyey Talisyada Qaybaha Booliska iyo Saldhigyo casri ah, kuwaas oo u adeegaya baahida amni ee bulshada, isla markaana kor u qaadaya joogteynta nabadda iyo xasilloonida guud ee Puntland.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed