Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey Geerida ku timid AUN Nabadoon Cabdi Hayaan Saalax Ismaaciil Beeldaaje, oo ku geeriyoodey hawlgalka ciribtirka Daacish ee Cal-miskaad.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu Madaxweyne Deni ku sehegay in nabadoonku yahay muwaadin naftiisa u huray dadkii iyo deegaankiisa, wuxuuna balanqaaday in Daacish looga aari doono.
HOOS KA AKHRI
Allaah ha u naxariisto oo janadii ha geeyo Nabadoon Cabdi Hayaan Saalax Ismaaciil Beeldaaje, oo xalay ku shahiiday hawlgalka Calmiskaad ka socda. Wuxuu ahaa Nabadoonku muwaadin dalkiisa iyo dadkiisa ka difaacayay Argagixisada doolka ah ee Daacish, isagoo kaalin weyn ka qaatay Halwgalka xagga deegaanka iyo isku xirka bulshada iyo Ciidanka .
Geeridiisa waxaan uga tacsiyeeynayaa guud ahaan Shacabweynaha Puntland , Ciidanka kujira hawlgalka , dadka deegaanka Calmiskaad iyo qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday, Marxuumka Allaah ha u danbi dhaafo inagana samir iyo iimaan allaah ha inaga siiyo, Aamiin.

