Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo si kulul uga hadlay dibadbaxyadii rabshadaha watay iyo khasaaraha ka dhashay Rasaastii tooska ahayd ee Ciidamada rideen waxa uu ku tilmaamay dhiilo & dheg-xumo aan dhegaha u wanaagsanayn.
Cirro ayaa tacsi u diray ehelka guud ahaan Dadka ku dhintay rabshadahaas, waxa uu faray in gurmad loo fidiyo dadka dhaawaca ah iyo kuwa hantidoodu waxyeellada kasoo gaartay dibadbaxyadaas sida uu fariintiisa ku muujiyay.
Ciidamada dheeraadka ah ee la geeyay Boorama si ay awood ugu adeegsadaan dadka dibadbaxaya waxa uu faray in ay dib ugu laabtaan xeryahooda, xaaladdana la dejiyo isla markaana guddi loo magacaabayo baarista waxa dhacay iyo cidda leh mas’uuliyadda.
“Waxa aan farayaa dhammaan Ciidamada Militariga ah ee Magaalada ku jira in ay dib ugu noqdaan Xeryahooda, Madaxweyne ahaan waxaa igu waajib ah in aan cid weliba xaqqeeda dhowro,” Ayuu yiri, Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.
Waxa uu dusha saartay in uu dhowro cid weliba xaqqa ay leedahay, qaladaadka dhacay ee galaaftay nolosha Dadkaas u badan rayidka ayuu sheegay in aanay looga hari doonin sida ay u dhaceen balse isla xisaabtan uu jiri doonno.
“Walaalayaal hala is dejiyo, nolosha Magaalada sidii hore dib haloogu soo celiyo, Goobaha Cibaadada & Waxbarashada hala furo, hala dhagaysto Waxgaradka, wax weliba wadahadal ayaa ka furan, ma qaadan karo in dhiigga dadkeyga la daadiyo, ma jiro wax dhiigga nooga qaalisan” Ayuu yiri, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Madaxweynaha Somaliland ayaa afkiisa ka dhowray in uu ku sheego tirada Dadka dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay iyada oo Baraha Bulshada lasoo dhigayay muuqaallo muujinaya Askarta oo rasaas toos ah u adeegsanaya Dadka dibadbaxayay iyo kuwo dhaawac soo gaaray.

