MW Ciro oo amray in la joojiyo bandhiga Buuga Xeer Ciise

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro ayaa la sheegay in uu go’aan degdeg ah ku gaaray bandhigga Buugga Xeer Ciise ee la tilmaamay in uu sabab u ahaa rabshadaha sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay Magaalada Boorama.

Cabdiraxmaan Cirro oo guddoomay fariimo kala duwan oo uga kala yimid Golaha Wakiillada, Siyaasiyiin, Madax xilal kala duwan Somaliland kasoo qabatay, Salaadiinta dhaqanka iyo baaqyada kale ee caalamiga ah ayaa go’aansaday hakinta bandhigga Buuggaan.

Fadhigii Golaha Wakiillada Somaliland ee maanta waxaa saameyay xaaladda Gobolka Awdal iyada oo Guddoonkooda uu sheegay in aanay dood u furnayn balse laga doonayo in ay si degdeg ah ugu baxaan arrintaan si loo damiyo.

Magaalada Boorama inkasta oo ay degen tahay haddana waxaa weli ka taagan raadadkii ka dhashay rabshadihii habeen hore ilaa shalay ka socday Magaaladaas, waxaa goobaha Caafimaadka la geeyay dadka dhaawacyada soo gaaray.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku baaqday in Maamulka Somaliland uu si degdeg ah u xaliyo arrintaan isla markaana joojiyo in Shacabka awood u adeegsado.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed