Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

Muxuu yahay qorshaha saraakiisha ka socota Jabuuti iyo Itoobiya ee Muqdisho soo gaaray?

Saraakiil sare oo ka socota booliska dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa maanta soo saaray Muqdisho, si ay kaga qeyb galaan 80-sano guuradii ka soo wareegtay markii la aas-aasay ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan sanadkii 1943-kii.

Taliyaha booliska dalka Jabuuti ayaa Muqdisho soo gaaray maanta duhurkii, halka taliye ku xigeenka ciidanka booliska dalka Itoobiya uu Muqdisho yimid galabta, waxaana garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey saraakiil Soomaaliyeed oo taliye ku xigeenka booliska Soomaaliya Cismaan Kaniif uu horkacayo.

Saraakiisha oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay Muqdisho u yimaadeen ka qeyb galka munaasabadda weyn ee sanad guurada ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku beegan berri 20-ka December.

โ€œMaanta uma heysto in aan imid dalka kale, Soomaaliya waa dalkeyga, waxaa iigu dambeysay 1987-kii aadbaan ugu faraxsanahay soo kabashada Jamhuuriyadda Soomaaliya,โ€ ayuu yiri Ciidanka Boliiska ee dalka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Dhankiisa, Taliye Xigeenka Boliiska Itoobiya Mr. Musfin Abebe Badeye oo isna warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay iskaashiga dhamaan hayโ€™adaha Amaanka Gobolka, si loo xaqiijiyo Amniga iyo Xasiloonida Geeska Afrika.

Taliye Kaniif ayaa soo dhaweyntii labada Taliye ka sheegay in booliska Soomaaliya uu ka shaqeynayo sidii ay iskaashi buuxa ula sameysa lahaayeen booliska wadamada deriska ah oo Jabuuti iyo Kenya ay ugu horeeyaan.

โ€œBooliska Jabuuti iyo kan Soomaaliya waa iskugu kaana mid, waqti aad u fog ayaa igu dambeysay Soomaaliya, sharaf ayey ii tahay in maanta aan Muqdisho ka soo dhaadhaco, markaan soo baxayey saraakiil badan oo ka tirsan booliska Jabuuti ayaa iga codsaday inaan Muqdisho keeno, laakiin waxaa ii saamixi weysay duruufta,โ€ ayuu yiri Ciidanka Boliiska ee dalka Jabuuti G/Sare Cabdiraxmaan Cali Kaahin.

Taliyaha ayaa intaas ku sii daray, โ€œTaliyaha booliska Jabuuti wuxuu sheegay in taageerada ay siinayaan Soomaaliya ay tahay abaal ay horay ugu gashay Soomaaliya dalkooda, Jabuuti idinka ayaa cagaha u taagay, abaalka dadka Soomaaliyeed ma gudi karno.โ€

Qorshaha ay saraakiishaan ka kala socota Jabuuti iyo Itoobiya ay Muqdisho u yimaadeen ayaa ah inay ka qeyb galaan munaasabad weyn oo berri ka dhaceysa Muqdisho, taas oo ciidanka booliska Soomaaliyeed ay ugu dabaal-degayaan sanad-guuradioda 80-aad, boolisku waa heyโ€™adda ugu faca-weyn dowladda Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed