Midowga Yurub ayaa sheegay in mamnuucida cusub ee ay Israa’iil saartay toddoba iyo soddon hay’adood oo gargaar ah oo ka shaqeeya Qaza iyo Daanta Galbeed ay hor istaagi doonto gargaarka lagu badbaadinayo nolosha Falastiiniyiinta dhibaataysan.
Dowladda Israa’iil ayaa sheegtay in hay’adahaasi ay ku guul-darreysteen bixinta faahfaahinta shaqsiyadeed ee shaqaalahooda Falastiiniyiinta ah, taas oo ay Israa’iil ku doodday in loo baahnaa si looga hortago in gargaar la siiyo ama looga faa’iideeyo ururka Xamaas.
Madaxa gargaarka bani’aadannimo ee Midowga Yurub, Hadja Lahbib, ayaa sheegtay in sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha uu si cad u qeexayo in gargaarku uu gaaro dadka u baahan.
Israa’iil ayaa dhankeeda sheegtay in gargaarka weli la gaarsiin karo iyada oo loo marayo waddooyin la ansixiyay, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay. Dowladda Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay in xayiraadahan ay dhaqan geli doonaan laga bilaabo kowda Janaayo.

