Madaxweynaha Puntland Siciid Cabullaahi Deni ayaa xalay la kulmay guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo maalmahan shirar ku lahaa magaalada Garowe.
Kulanka waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalku marayo iyo howlaha hortabinta u leh Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland.
Guddiga farsamada Golaha Mustaqbalka waxay ka kooban yihiin lix xubnood oo kala ah, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanad, Caarshe Maxamed Siciid, xildhibaan Cabdirashiid Jire, Saahid Qodhob, Cabdilaahi Xaaji Abuukar iyo Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), kuwaas oo Garowe u jooga dejinta istaraatiijiyadda iyo qorshayaasha ay goluhu ku wajahayaan xilliga kala-guurka.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ay shir ku yeeshaan magaalada Garowe, kaas oo ay ugu arrinsanayaan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa shirkoodii magaalada Kismaayo ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si loo gaaro heshiiyo doorasho, balse ma muutaqo isu soo dhawaansho u dhexeeya labada dhinac, inkastoo madaxweyne Xasan Sheekh aqbalay wadahadal.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya waxay hore u sheegeen in aysan aqbalayn muddo kororsi ay sameystaan goleyaasha dowladda federaalka ah, iyaga oo xusay haddii taas la isku dayo in ay bilaabayaan sidii loo qaban lahaa doorasho.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa habeen hore kulan la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kulankaas oo la sheegay in uu ku soo dhammaaday isfahan.

